Dowladda Soomaaliya oo si kulul u cambaareysay dilkii Ismaaciil Haniya

0

MUQDISHO (SMN) – Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareynaysaa dilka maamulka Israa’iil uu u geystay hogaamiyihii xafiiska siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniya, allaha u naxariistee, kaas oo ka dhacay magaalada Tehran ee dalka Iiraan, falkaas oo ka soo horjeeda sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada.

 

“Soomaaliya waxay ka digaysaa kororka rabshadaha oo keeni kara xadgudubyo dheeraad ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah, taasoo ka dhalin karta isku dhac ballaaran oo hubeysan bariga dhexe” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka

Soomaaliya waxay cambaareynaysaa dilalka siyaasadeed iyo rabshadaha nooc kasta ah, iyadoo aan loo eegin sababaha ka dambeeya.

Waxaan ku adkeysaneynaa baahida loo qabo in bulshada caalamku qaaddo mas’uuliyadooda oo ay qaadaan tallaabooyin deg-deg ah si loo joojiyo weerarka Israa’iil ee Gaza iyo xadgudubyada ay ku hayso sharciga caalamiga ah iyo go’aannada Qaramada Midoobay.

Soomaaliya waxay u tacsiyeynaysaa dowladda Falastiin ee walaalaha ah, shacabka Falastiin, iyo qoyskii Dr. Haniya iyo asxaabtiisii, allaha u naxariistee.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here