Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Rwanda + Sawirro

0

KIGALI (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Paul Kagame oo uu ka qeyb-galay caleemo-saarkiisa.

 

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah iyaga adkeeyay doorka muhiimka ah ee iskaashiga gobolka uu ka qaadan karo wax ka qabashada caqabadaha iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweyne Paul Kagame ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey horumarka ay ka gaartay dhinacyada, amniga, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha, waxa uuna ballan qaaday in Rwanda ay taageeri doonto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here