Abdimalik Yusuf Mohamud oo isku soo taagay xilka madaxweynaha GALMUDUG

0

MUQDISHO (SMN) – Mudane Abdimalik Yusuf Mohamud oo ah Aqoonyahan, Dowlad-yaqaan iyo Rugcadaa muddo dheer ku soo jiray Bulshada rayidka ah iyo Warbaahinta ayaa ku dhawaaqay in uu u taagan yahay tartanka Doorashada Madaxtinimada Galmudug.

 

Hoggaamiye Abdimalik ayaa dadka yaqaan ku tilmaamaan siyaasi faham fiican ka heysta Dadka iyo Deegaanka Galmudug waxana uu tobankii sano ee u danbeysay uu si wanaagsan uga shaqeynayay horumarinta, nabadeynta iyo wax u qabashada dadka Galmudug.

Galmudug oo xalay u dabaal-degtay sanad guuradeeda 18-aad ee kasoo wareegtay aas-aaskeeda ayaa haatan u diyaar garoobeyso doorasho adag oo ay ku tartami doonaan musharixiin dhowr ah oo uu mid noqonayo Mudane Abdimalik Yusuf Mohamud.

“KU DOORO TALOWADAAG IYO XAQSOOR”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here