SoDMA oo qabatay kulan looga hadlayay ka hortagga leexsashada gargaarka

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxa qaybta horumarinta barnaamijyada hay’adda SoDMA Dr. Ismaaciil Jimcaale ayaa maanta soo xiray Aqoon is weydaarsi ku saabsan Dhaqangelinta Xeerarka iyo Siyaasadaha looga hortagayo leexsashada gargaarka bani’aadannimo.

 

Aqoon-is-weydaarsigani waxaa ka soo qayb galay lataliyayaal, howlwadeenno ka tirasan Hey’adda SoDMA, Saraakiil ka kala Socday ururka Qareenada , NGO-yada, iyo hay’addaha ka shadaqa arrimaha gargaar ka.

La-taliyaha sare ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka u qaabilsan ka hortagga leexsashada gargaarka Md. Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna ayaa shareaxaad ballaaran ka siiyay ka qaybgalayaasha muhiimadda Hay’adda SoDMA iyo dadaalka dheeraad ah ay ku bixisay in Xeerar iyo Siyaasado looga hortagayo leexsashada gargaarka Bani’aadminimo.

Aqoon is weydaarsigan ayaa ahaa madal lagaga wadahadlaya isla-markaana la isku weydaarsanayay sidii loo hirgelin lahaa fulinta siyaasado iyo xeerar adag oo loogaga hortagi karo khataraha leexsashada gargaarka bani’aadminimo si loo ilaaliyo hufnaanta howlaha samafalka iyo gargaarka, iyada oo ujeeddooyinka waaweeyn ee aqoon isweeydaarsigan yahay:

* In loo ololeeyo horumarinta iyo hirgelinta siyaasadaha iyo xeerarka looga hortagayo leexsashada gargaarka bini’aadantinimo.

* Muujinta muhimadda ay leedahay dhaqan gelinta siyaasadaha iyo xeerarka jira si looga hortago leexsashada gargaarka.

* Dhiirigelinta iskaashiga ka dhexeeya daneeyayaasha si loo xoojiyo hufnaanta bixinta gargaarka bani’aadminimo.

Ugu danbeeyn, madaxa qaybta horumarinta barnaamijyada hay’adda SoDMA Dr. Ismaaciil Jimcaale ayaa xusay muhiimada ay leedahay in la helo wadiiqooyin, Xeerar iyo Siyaasado ay dowladda Soomaaliya leedahay kaas oo lagu hago hay’addaha arrimaha gargaarka bani’aadminimo ka shaqeeya, taas oo lagu gaarayo in la helo sharci lagu istaajin karo isdaba marin arrimaha gargaarka ah taas oo muhiim tahay in si sax ah u gaarsiino dadka loogu talagalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here