DF Soomaaliya oo kaalmo lacageed siisay dhibanayaasha Qaraxii Liido

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga gurmadka Qaran ee Qaraxi Liido ayaa xarunta Qaran ee hawlgallada gurmadka Degdegga ah ee hay’adda maareeynta Musiibooyinka kula kulmay ehellada dadkii ku naf-waayay weerarkii Al-Shabaab ee billowgii bishaan ka dhacay Xeebta Liido.

 

Guddiga ayaa min $2000 oo doolar oo taakulo ah guddoonsiiyay ehellada 36 qof oo ku dhintay weerarkaas, iyagoo ballan-qaaday in aan intaas looga hari doonin oo si gaar ah Dowladda Soomaaliya kaga war-qabi doonto dhammaan walaalaha wax-yeelladu gaartay.

Guddiga ayaa sidaan oo kale, hore qoondo lacageed u guddoonsiiyay dadka dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkaas.

     

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here