Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay dalka Jabuuti + Sawirro

0

JABUUTI (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay lagu soo dhaweeyey magaalada Jabuuti ee dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

 

Wafdiga Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha waxaa ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan Xukuumadda Dowladda Jabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa berri kulan la qaadan doono Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyaga oo ka wada hadli doono xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee walaalnimo ee ka dhaxeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga iyo arrimaha ahmiyada u leh labada dowladood.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal shaqo ku maraya dalalka bahwadaagta la ah Soomaaliya ee gobolka ku yaalla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here