Shirka golaha wadatashiga qaranka oo lagu wado inuu ka furmo Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo Muqdisho, waxana shir guddoomin doono Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo ay ka qaybgali doonaan shirka dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, HirShabelle, Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

 

Shirakan ayaa waxa horay loo iclaamiyay inuu qabsoomayo 26 October oo maanta ku beegan, si loo sii ambo qaado wada-hadallada u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo horay fashil ugu soo dhamaaday.

Wararka ayaa sheegaya in shirka uu ka maqnaan doono madaxweynaha Jubbaland oo dhowaan ka biyo diiday in la sameeyo muddo kororsi, halka uu horay madasha uga maqnaa madaxweynaha Puntland.

Si kastaba, waxaa la filayaa in madaxda haatan shireysa inay soo saaraan go’aanno wax ku ool ah oo la xiriira xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo uu weli ka taagan yahay muran xoogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here