Muqdisho – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay go’aanka dowladda Mareykanka ay ugu diidday gelitaanka garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdulqaadir Cartan, iyadoo muujisay sida ay uga xun tahay arrintaasi.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Garsoore Cumar Cartan, oo loo aqoonsaday Garsooraha Sanadka ee Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF) sannadka 2025, uu yahay mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu sumcadda badan Soomaaliya ee dhanka ciyaaraha, isla markaana astaan qaran u ah shacabka Soomaaliyeed.
Wasaaraddu waxay xustay in guulaha iyo waxqabadka Garsoore Cartan ay sare u qaadeen magaca Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamiga ah, isaga oo dhiirrigelin iyo tusaale wanaagsan u noqday kumannaan dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku haminaya inay gaaraan heerar sare oo caalami ah.
Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay qaaday dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan, kuwaas oo lala yeeshay hay’adaha ay khusayso si loo fududeeyo safarka Garsoore Cartan iyo ka qeyb-galkiisa tartanka uu ku wajahnaa dalka Mareykanka.
“Nasiib darro, dadaalladaasi ma aysan dhalin natiijadii la rajeynayay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa mar kale caddeysay in Dowladda Soomaaliya ay si buuxda ugu faanayso guulaha iyo waxqabadka Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, iyadoo tilmaamtay in guushiisu ay caddeyn u tahay in dadaalka, kartida iyo adkaysigu ay horseedi karaan guulo waaweyn oo caalami ah.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Garsoore Cartan uu si nabad ah ugu soo laabtay dalkiisa, islamarkaana uu sii wadi doono waajibaadkiisa qaran iyo kuwa caalami ah, isaga oo leh hufnaan, daacadnimo iyo xirfad sare oo lagu yaqaanay muddadii uu ku jiray garsoorka kubadda cagta.
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa u mahadcelisay dhammaan dowladaha saaxiibka ah, hay’adaha, ururrada ciyaaraha, shaqsiyaadka iyo shacabka Soomaaliyeed ee muujiyay taageerada iyo garab istaagga ay la garab istaageen Garsoore Cartan intii ay socotay arrintan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto wada-hadallada iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dhinacyada ay khusayso, si loo helo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababaha ka dambeeyay go’aankaasi, isla markaana loo ilaaliyo karaamada, xuquuqda iyo danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan caalamka.




