Yaaqbariwayne, Shabeellaha Hoose – Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad Komaandooska Danab ayaa howlgallo amni xaqiijin ah iyo dadaallo dib-u-heshiisiin bulsho ka fuliyay deegaanka Yaaqbariwayne ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalladan ayaa lagu sheegay kuwo lagu xoojinayo amniga shacabka, laguna wiiqayo dhaq-dhaqaaqyada kooxda Al-Shabaab ee ka jira deegaannada gobolka. Ciidamada ayaa sidoo kale diiradda saaray kor u qaadista nabadda, wada noolaanshaha bulshada iyo xasilloonida deegaanka.
Saraakiisha Danab ayaa sheegay inay si dhow ula shaqeeyeen madax-dhaqameedyada, waxgaradka iyo hoggaamiyeyaasha bulshada si loo dardargeliyo geeddi-socodka dib u heshiisiinta, loona xalliyo khilaafaadka bulshada ee saamaynta ku yeelan kara amniga deegaanka.
Intii ay howlgaladu socdeen, ciidamada ayaa xaqiijiyay amniga goobaha muhiimka ah ee bulshada, iyagoo shacabka ku wargeliyay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo ka qeyb qaadashada dadaallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab.
Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad Komaandooska Danab ayaa caddeeyay inay sii wadi doonaan howlgallada amniga lagu xaqiijinayo iyo barnaamijyada dib u heshiisiinta bulshada, si loo xoojiyo nabadda, xasilloonida iyo horumarka deegaannada gobolka Shabeellaha Hoose.




