Daawo: Faah-faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay degmada Kaaraan

0

MUQDISHO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax maanta ka dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kaas oo lala beegsaday maqaayad ku taalla xaafadda Cali Geeddi ee dgemadaasi.

 

Qaraxa oo ahaa miino aya gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Ku dhowaad 10 qof ayaa ku dhintay qaraxan, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo ah shacab aan waxba galabsan oo ku sugnaa maqaayadda la qarxiyay.

Sidoo kale waxaa goobta tegay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyay, balse ma jiro wax faah-faahin ah oo ay ka bixiyeen qaraxaasi.

Halkan hoose ka daawo wararkii ugu dambeeyay:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here