MUQDISHO (SMN) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Dowladda Turkiga dhawaana soo gaaray Muqdisho.
Wafdigaan waxaa Hogaaminayay ku-xigeenka agaasimaha Guud ee Wasaaradda Difaaca Qaranka Turkiga, Sarreeye Guuto Soner Oruçoğlu, waxaana ku wahlinayay masuuliyiin sar sare oo Turkiga u qaabilsan dhanka dhismaha Ciidamada.
Waxaa kulankaan diiradda lagu saaray dhismaha Ciidamada XDS, maadaama Dowladda Turkiga ay kaalin-weyn ku leedahay, dhismaha Ciidamada, Diyaarinta iyo Qalabeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha Ciidanka XDS S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Dowladda Turkiga ku amaanay garab istaaga joogtada ah oo ay la garab-taagantahay Dalkeena, waxuuna balan-qaaday in si dhab ah looga faa’iidaysan doono fursadaha Ciidan ee Dalkeenu ka helaayo Dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga.