Deni oo la kulmay xildhibaanada Puntlna dku metala dowladda Soomaaliya

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka maamulkaas Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa xalay Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Xildhibaanada Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise , xubno ka mid ah Golaha Wakiillada ee Dowladda Puntland , Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo saraakiil Madaxtooyo.

Madaxweyne Deni ayaa xildhibaanada uu la kulmay kala hadlay khilaafka maamulkiisa kala dhexeeyo dowladda federaalka oo ay ku kala tageen arrimaha siyaasadda dalka.

Kulamada ayaa weli sii socda, waana kuwo wada-tashi ah oo diiradda lagu saarayo xaaladda sii xumaaneyso ee Puntand iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here