MUQDISHO (SMN) – Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah ah ansixiyay Qoondada miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2025.
Miisaaniyadda Dowladda ee 2025-ka ee uu maanta ansixiyay Baarlamaanka ayaa gaareysa $1,359,714,328 ,waxaana ogolaatay 172-Xildhibaan laba Xildhibaan ayaa diiday hal Xildhibaanna waa uu ka aamusay.
Kororka miisaaniyaddan marka loo barbar dhigo tan sanadka 2024 oo ahayd $1,079,315,783, ayaa waxaa siyaaday $263,160,528, oo u dhiganta koror dhan 24.4%.
Kordhinta dakhliga gudaha ee dowladda ayaa saldhig u ah qorshaha lagu xoojinayo amniga, adeegyada bulshada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Miisaaniyadda Dowladda 2025-ka ayaa dhaqan gal noqon doonto marka uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud laguna soo saaro faah-faahinta rasmiga ah ee dowladda.