Sheekh Shariif oo ka horyimid qorshaha Villa Somalia iyo tallaabadii BF

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Mudane Sheekh Shariif Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

 

Ugu horreyn Sheekh Shariif ayaa ka horyimid tallaabadii uu maanta baarlamaanka qaaday ee lagu ansixiyay dhismaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka dalka.

“See lagu gaari karaa qof iyo cod magaaladaan aan maanta joogno oo caasimada ah oo dowladda ay ku shaqeyneyso ma ka dhici kartaa qof iyo cod dadka inta ay baxaan si xor ah oo xalaal ah cod ma u dhiiban karaan?, su’aashaas ayaa ku taallo” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale wuxuu su’aal ka keenay qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah, taas oo dhalisay xiisad siyaasadeed oo wayn.

“Doorasho iska daaye waxaa laga hadlayaa meesha wax lala wareego ma loogu imaanayaa?” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan khilaaf ka dhashay sida loo wajahayo doorashooyinka, waxaana qorshaha dowladda ka horyimid Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here