Maxaa looga hadlay Shirka Gollaha Wasiiradda Soomaaliya?

0

Muqidisho :- Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu ansixiyey laba heshiis oo ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Aserbajaan, kuwaas oo ku saabsan dhinacyada Waxbarashada, Tababarrada iyo Tamarta.

 

Heshiisyada is-afgarad ee ay wada gaareen Soomaaliya iyo Aserbajaan, ayaa wax weyn ka tari doonaa horumarinta dhinacyada Waxbarashada, Tamarta iyo tayeynta xirfadaha.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha XJFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriirra dhinacyada amniga iyo shuruucda.

May be an image of 8 people and daisMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person

—-Dhammaad—-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here