MUQDISHO, Soomaaliya [SMN] – Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shaacisay in howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay aagga deegaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo la burburiyay gaadiid dagaal oo ay wateen.
Howlgalka ayaa qeyb ka ahaa dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo ka hortagga weerarada Al-Shabaab ee ka jira gudaha Soomaaliya. Ciidamada dowladda ayaa si qorsheysan u fuliyay hawlgalkan, taas oo ka mid ah dadaallada socda ee lagu doonayo in lagu xaqiijiyo nabadgelyada gobolka.