Ciidanka DF iyo AFRICOM oo duqeyn ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

0

JOWHAR [SMN] – Ciidanka Qaranka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidanka Cirka ee Mareykanka (AFRICOM) ayaa fuliyay hawlgal duqeyn ah oo daba joogay dagaalkii lala galay Al-Shabaab ee ka dhacay deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.

 

Howlgalka duqeynta ah oo ka dhacay deegaanka Laba Garas ayaa ujeedkiisu ahaa burburinta dhagar qabayaal ka tirsan Al-Shabaab oo qorsheynayay in ay dib isku abaabulaan kadib jabkii ay kala kulmeen dagaalkii cashirka ay ugu dhigeen Ciidanka Qalabka Sida iyo kuwa dadka deegaanka ee ka dhacay deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobolkaasi.

Ciidanka Qalabka Sida iyo Saaxiibada AFRICOM ayaa ku howlan xoojinta iskaashiga dagaalka Al-Shabaab iyo qiimeynta khasaaraha kooxda ku gaaray howlgalladii u dambeeyay oo marba marka ka dambeysa isa soo taraya, taas oo muujineysa in ay Khawaarijtu sii jabayaan.
May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here