JILIB [SMN] – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamo ajnabi ah oo xulufo la ah kuwa xoogga dalka ay fuliyeen howlgal gaar ah oo ka dhacay degmada Jilib, ee gobolka Jubada Dhexe.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsadey xaruno kala duwan oo Al-Shabaab ku leedahay degmada iyo Guri ay ku sugnaayeen labo hogaamiye oo magacydadood lagu soo gaabiyay Xasan Yacquub iyo Amiin.