MUQDISHO, Soomaaliya [SMN] – Su’aallo badan ayaa ka taagan halka lagu qaban doono, goorta iyo dadka kasoo qeybgali doona gogosha wadahadalka qaranka ee uu iclaamiyay Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.
Siyaasiyiin dhowr ah ayaa soo dhaweeyay, halka kuwa kalena ay shaki ka muujiyeen qabashadda shirka looga hadlayo dagaalka Al-Shabaab iyo arrimaha doorashooyinka dimuqraadiga ah.