MUQDISHO, Soomaaliya [SMN] – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in uusan weli go’aan ka gaarin haddii uu isku soo sharixi doono doorashada madaxtinimo ee 2026, isagoo carrabka ku adkeeyay in diiradda uu saarayo amniga qaranka, horumarinta dhaqaalaha, iyo nidaamka doorashooyinka.
Xasan Sheekh ayaa wareysi uu siiyay Warbaahinta Daily Nation ee dalka Kenya, sheegay in go’aanka ku saabsan musharaxnimadiisa mar 3aad kursiga Madaxweynaha uu ku xirnaan doono xaaladda siyaasadeed ee dalka marka uu soo dhowaado waqtiga doorashada oo sanad kaharay.
“Waxa aan hadda Mudnaanta siinayo waa xoojinta amniga Soomaaliya, kor u qaadista dhaqaalaha, iyo in aan dhamaystiro nidaamka doorashada ee tooska ah ee aan horey ugu balanqaadnay shacabka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha, oo xafiiska Villa Somalia ku soo laabtay May 2022, ayaa sheegay in xaaladda amni ee Muqdisho ay si weyn u soo hagaagtay intii uu xilka hayay, isagoo tilmaamay inuu jiro hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarada Al-Shabaab.
Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray in amniga hagaagsani uu gacan ka geystay soo kabashada dhaqaalaha, isagoo xusay ballaarinta aagagga ganacsiga iyo mashaariicda dhismaha ee ka socda caasimadda.
Dowladda Federaalka, oo uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan, ayaa si weyn uga go’an inay hirgeliso doorashada qof iyo codka ah ee dhacaysa 2026, taasoo noqon doonta markii ugu horeysa mudo ku dhaw 60 sano, iyadoo ay tahay isbeddel weyn marka loo eego nidaamka siyaasadeed ee beelaha ku saleysan ee Soomaaliya ee horey uga jiray.




