Garoowe, Soomaaliya – Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in ay si rasmi ah u sii daayeen 15 maxbuus dagaal ah oo ay gacanta ku hayeen tan iyo dagaalladii culus ee ka dhacay gobolka Sool intii u dhaxeysay 2022 illaa 2023.
Maxaabiistan ayaa lagu qabtay dagaalladii u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo oo taageero ka helayay Puntland.
Mas’uuliyiinta Puntland ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay heshiis isweydaarsi maxaabiis ah oo la gaaray, iyagoo intaa raaciyay in ay filayaan in Somaliland ay sidoo kale sii deyso 11 maxbuus oo ay hayso.
“Maxaabiistan waxaa lagu wareejiyay si nabad ah, waxaana rajeyneynaa in talaabadan ay horseedi doonto sii xoojinta wadahadallada iyo in si siman loogu xalliyo khilaafaadka taagan,” ayuu yiri mas’uul katirsan Puntland oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah.
Sidoo kale, booqasho dhawaan uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ku tegay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa horseeday tallaabo kale oo muhiim ah. Intii uu halkaas ku sugnaa, maamulka SSC-Khaatumo ayaa si shuruud la’aan ah u sii daayay 25 maxbuus dagaal ah, taasoo loo arkay mid horumar u ah dadaallada lagu xasilinayo gobolka.
Dagaallada Sool ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh, waxaana beesha caalamka iyo gudaha Soomaaliyaba ay ugu baaqeen dhinacyada in ay si degdeg ah u joojiyaan colaadaha islamarkaana ay ku beddelaan wada-hadal iyo xal waara.
Maamulka Puntland iyo SSC-Khaatumo ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin sii wadidda dadaallada nabadeed, iyadoo la filayo in Somaliland ay dhawaan ka jawaabto heshiiskan maxaabiis is-dhaafsi.



