Dadka Wata Baasaboorka Taiwan oo laga mamnuucay inay tagaan Soomaaliya

0

TAIPEI – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u mamnuucday in dalka ay soo galaan muwaadiniinta wata baasaboorka Taiwan, iyadoo sabab uga dhigtay u hoggaansanaanta qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan.

 

Taiwan ayaa ku eedeysay dowladda Soomaaliya inay tallaabadan qaaday kadib cadaadis kaga yimid dowladda Shiinaha, xilli ay Taiwan kordhineyso xiriirka ay la leedahay Somaliland.

Somaliland ayaa ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991, hase yeeshee wali si buuxda looma aqoonsan caalamka. Inkastoo ay ka madax bannaan tahay xasilooni darrada Soomaaliya, Somaliland waxa ay weli sugaysaa aqoonsi caalami ah.

Sanadkii 2020, Taiwan iyo Somaliland ayaa xafiisyo wakiil ah ka furay caasimadahooda, taasoo caro ka dhalisay xukuumadaha Muqdisho iyo Beijing.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan 29-kii Abriil ayaa lagu sheegay in Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ay toddobaadkii hore u dirtay shirkadaha diyaaradaha digniin ah oo sheegaysa in laga bilaabo 30-ka Abriil aan la aqbali doonin baasaboorka Taiwan.

“Wasaaraddu waxay si adag uga soo horjeeddaa go’aanka ay dowladda Soomaaliya ku xayirtay xorriyadda iyo badqabka safarka muwaadiniinteena, iyadoo ay taas ku dhalisay dowladda Shiinaha, waxaana aan dalbaneynaa in si degdeg ah looga laabto go’aankaas,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyo warcelin ah oo loo diray.

Qoraalka digniinta ayaa sidoo kale sheegaya in tallaabadani qayb ka tahay u hoggaansanaanta Qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2758, oo la ansixiyay 1971, kaas oo Beijing loogu aqoonsaday inay matasho Taiwan gudaha Qaramada Midoobay, taasina ay la jaanqaadeyso mabda’a “Hal Shiinaha.”

Taiwan iyo Mareykanka ayaa ku doodaya in qaraarku aanu si cad uga hadlin xaaladda Taiwan, islamarkaana Beijing si khaldan u turjuntay.

Shiinaha ayaa ku andacoonaya in qaraarkaasi uu sharciyeynayo sheegashada ay ku leedahay jasiiradda Taiwan oo si dimuqraadi ah loo maamulo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here