MUQDISHO – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Kareem Adebayo, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo doorka muhiimka ah ee Midowga Afrika uu ka ciyaaro amniga iyo xasillinta dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u hambalyeeyay Mr. Adebayo magacaabistiisa cusub, isaga oo carabka ku dhuftay sida ay dowladda Soomaaliya u qadarinayso xiriirka dhow iyo taageerada joogtada ah ee ay Midowga Afrika siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadda, amniga iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladnimo.
Dhankiisa, Mudane Kareem Adebayo ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweynta diirran, isagoo ballanqaaday inuu xoojin doono wadashaqeynta kala dhaxeysa hey’adaha dowladda Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale caddeeyay in Midowga Afrika uu ka go’an yahay garab istaagga dowladda Soomaaliya si ay u gaarto yoolkeeda nabadeed iyo horumarineed.
Kulanka ayaa qeyb ka ahaa dadaallada lagu xoojinayo xiriirka istiraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Midowga Afrika, xilli dalka uu wajahayo marxalad muhiim ah oo ku aaddan dhismaha dowladnimo iyo sugidda amniga guud ee qaranka.









