Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo xiray qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Gedo

0

GARBAHAAREY – Dawladda Soomaaliya Ayaa Xabsiga U Taxaabtay Golihii Guurtida iyo Odayaashii Dhaqanka Gedo, kuwaasi oo shalay Shir-Jaraa’id ku qabtey Garbahaarey, iyagoo kasoo Horjeestay Dhismaha Jubbaland Cusub oo ay dowladda Soomaaliya doonayso in ay ka dhisto Gedo.

 

Odayaashaan Oo Lagu Xiray Xabsiga Degmada Garbahaarey ayaa la sheegay in laga qabtay Bartamha Magaaladda Xili ay ku sugnaayeen goob maherad ah oo ay xiligaasi ku shaahaynayeen, Waxaana la sheegay Markiiba ay la kulmeen Ciidamo hubaysan oo markiiba Odayaashan gacanta ula tagay, iyagoo an wax su’aalo ah waydiin, Waxaana la tilmaamay in la geeyay saldhiga Degmadda oo ay Hadda ku xiranyihiin.

Odayaasha ayaa la sheegay in qaarkood ay qabaan xanuuna kala duwan Sida Sonkor, Dhiigkar iyo cuduro kale oo halis ah, Waxaana hadda wararku ay sheegayaan in qaarkood ay wajhaayan Xaaaladdo Caafimaad, iyagoo dalbanaya gargaar deg deg ah.

Xog Warbaahinta Shabelle heshay ayaa sheegaysa in Amarka lagu xiray Odayaashaan laga bixiyay Magaaladda Muqdisho, Wxaaana la sheegay in uu amarkaasi Uu bixiyay Wasiirka Amniga Gudaha soomaalia Abdullahi Sheekh ismaaciil Farataaag kkasi oo Laamaha amniga garbahaarey ku amar in ay la soo qabto Ragan Waliba xabsiga dhexe la dhigo.

Maamulka degmadda Garbahaarey, ayaa gabi ahaanba diiday in ay wax fafaahin ah ka bixiyaan Xariga odayaashan oo la sheegay in ay guux ka dhex abuurtay Buslahadda iyo Maamulka ku dhaqan Degmadda Garbahaarey ee Xarunta Gobalka Gedo.

Dhinaca maamulka Jubbland oo Warsaxaafadeed ka soo saaray Xariga Odayaashan ayaa Xaqiijiyay Xarigan loo gaystay Golahii Guurtada Gobalka, Waxayna sheegeen in Xarigan uu yahay mid sharci daro ah kaasi oo sheegeen in Dowladda Soomaaliya ay ku doonayso in ay ku bur buriso Nidaamka Dowliga ah ee ka jira Deegaanadda Jubbland.

Jubbland ayaa sheegtay in aysan suurtagal ahayn in isha ka daawato dhibaatada ay dowladda Soomaaliya ku hayso Shacabka Reer Jubbland, gaar ahaan shacabka ku dhaqaqab Gobalka Gedo.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali ka hadlin Xariga Odaaasha, balse Saraakiisha Xoogga dalka ayaa Horay u sheegay in aysan Gedo ka talin wax Jubbland la yiraahdo, islamarkaana Gobalka oo dhan uu hoostago dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Ee Degmada Baardheere Ayaa Horay Amar ugu bixiyay in Xabsiga la dhigo Cidkasto oo Gobalka Gedo ku sugan, islamarkaana taageero u muujisa Maamulka Jubbland.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay damacsantahy in ay Ciidamo horleh ka dajiso Gobalka Gedo, Madaama qorshaynayso in ay halkaasi ay ka dhisto Maamul Cusub oo kasoo horjeeda midka Axmed Madoobe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here