Duqeymo xoogan oo lagu beegsaday Al-Shabaab oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Diyaarado dagaal oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin saaxiibada caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya ayaa duqeymo culus ka fuliyay deegaano hoos yimaada degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

 

Duqeymaha ayaa si gaar ah uga dhacay dhulka Howdka, oo loo arko meel ay kooxda Al-Shabaab ku leeyihiin saldhigyo ciidan. Dad deegaanka ah ayaa sheegay inay maqleen qaraxyo waaweyn habeenkii Arbacada, hase yeeshee khasaaraha rasmiga ah wali lama oga sababo la xiriira go’doonsanaanta goobaha la weeraray.

“Duqeymo badan ayaa ka dhacay halkaas, waxayna bartilmaameed u ahaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab,” ayuu yiri mas’uul deegaanka ah oo codsaday in magaciisa aan la shaacin. “Wali waxaan uruurineynaa xogta dhabta ah ee khasaaraha.”

Ilaa hadda dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin weerarkan, balse waxaa loo arkaa inuu qeyb ka yahay howlgalada socda ee lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale, wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamo deegaanka ah oo loo yaqaan Macawiisleyda, kuna sugan gobolka Hiiraan, ay si lama filaan ah uga soo baxeen deegaanadii ay dhowaan kula dagaalameen Al-Shabaab, kuwaas oo ku dhow degmada Aadan Yabaal.

Ma cadda sababta ka dambeysa bixitaanka Macawiisleyda, mana jiro war rasmi ah oo kasoo baxay hoggaanka ciidankaasi. Arrintan ayaa su’aalo ka keeneysa isku-duwidda iyo kalsoonida u dhaxeysa ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here