Soomaaliya iyo Talyaaniga oo xoojinaya iskaashiga iyo xiriirka diblomaasiyadeed

0

MUQDISHO, Soomaaliya — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa Arbacadii ku qaabilay xafiiskiisa ee magaalada Muqdisho Safiirka Jamhuuriyadda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Pier Mario Daccò Coppi, iyadoo labada mas’uul ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo ballaarinta iskaashiga laba geesoodka ah.

 

Kulanka ayaa lagu muujiyay muhiimadda xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta dhinacyada horumarinta, amniga, waxbarashada, iyo dhaqaalaha.

Wasiir Cabdisalaam ayaa uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada dhanka dib-u-dhiska iyo xasilloonida dalka.

Waxa uu sidoo kale muujiyay doonista dowladda Soomaaliya ee ah in la ballaariyo fursadaha iskaashi, gaar ahaan mashaariicda kaabeyaasha dhaqaalaha, xirfadaha dhallinyarada, iyo dhisidda awoodda hay’adaha dowladeed.

Dhankiisa, Safiir Pier Mario Daccò Coppi ayaa xaqiijiyay in Talyaanigu sii wadi doono garab istaagga Soomaaliya, isagoo bogaadiyay horumarka ay dowladdu ka samaysay dib-u-habeynta hay’adaha iyo amniga. Waxa uu sidoo kale ballan qaaday in la dardar gelin doono barnaamijyada iskaashi ee labada dal u dhexeeya.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah, iyadoo la isku raacay in la furo waddooyin cusub oo iskaashi ah ayna sii socdaan kulamada heerarka sare ee labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here