Muqdisho – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, iyadoo kulankaasi diiradda lagu saaray arrimaha amniga guud ee dalka iyo howlgalka ballaaran ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab, kaas oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay guulo wax ku ool ah ka gaareen.
Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo la xiriira badqabka diyaaradaha ka shaqeeya gudaha dalka iyo caqabadaha hortaagan, si xal waara loogu helo iyadoo la ilaalinayo badqabka shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa la wadaagay warbixin ku saabsan fulinta Siyaasadda Jaangoynta Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda, si kor loogu qaado hufnaanta iyo cadaaladda shaqo ee hay’adaha dowladda.
Ugu dambayn, Golaha Wasiirrada ayaa u dallacsiiyey Mudane Axmed Jaamac Cumar darajada Safiir, iyadoo lagu saleeyey aqoonta, kartida iyo waayo-aragnimada dheer ee uu u leeyahay howlaha diblomaasiyadda.












