Soomaaliya oo Hambalyo u Dirtay Dr. Sidi Ould Tah oo loo Doortay Madaxa Bangiga Horumarinta Afrika

0

MUQDISHO – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Jimcaha hambalyo u dirtay Dr. Sidi Ould Tah kadib markii loo doortay Madaxweynaha sagaalaad ee Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), iyadoo ku tilmaamtay doorashadiisa guul muhiim ah oo ka tarjumeysa dadaalkiisa joogtada ah ee horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada Afrika.

 

Bayaan kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in hoggaaminta Dr. Tah ay imaneyso xilli xasaasi ah, iyadoo Soomaaliya ay muujisay kalsoonida ay ku qabto kartidiisa iyo aragtidiisa ku aaddan kobcinta hal-abuurka, adkeysiga, iyo horumar waara oo laga gaaro qaaradda.

“Soomaaliya waxay aqoonsan tahay doorka muhiimka ah ee Bangigu uu ka ciyaari doono inta uu Dr. Tah xilka hayo, gaar ahaan hirgelinta barnaamijyo wax-ka-beddelaya nolosha bulshada oo la jaanqaadaya Ajandaha Afrika 2063,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay inay rajeyneyso xoojinta iskaashiga lala yeesho AfDB, gaar ahaan arrimaha mudnaanta u leh qaaradda sida: hirgelinta Suuqa Ganacsiga Xorta ah ee Afrika (AfCFTA), horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo la tacaalida isbeddelka cimilada.

Dr. Tah oo ah khabiir dhaqaalaha ka soo jeeda Mauritania ayaa xilka kala wareegaya Dr. Akinwumi Adesina oo u dhashay dalka Nigeria, kaasoo hoggaaminayey Bangiga muddo toban sano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here