Wasiir Roobow oo Kormeerey Adeegyada Xujayda Soomaaliyeed oo Sannadkan Loo qabtay

0

Riyadh – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, ayaa haatan ku sugan dalka Sacuudi Carabiya, si uu ugu kuur galo xaaladda iyo adeegyada ay helayaan xujayda Soomaaliyeed ee sannadkan kusoo qulqulaya dhulka barakaysan si ay u gutaan acmaasha xajka.

 

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xujayda Soomaaliyeed ee sannadkan ka qeybgalaya xajka ay heleen adeegyo ka wanaagsan kuwii ay heli jireen sannadihii hore, isla markaana ay si nabadgelyo iyo nidaam leh ku gaareen Sacuudi Carabiya.

Sidoo kale, Wasiir Roobow ayaa tilmaamay in qiimaha lacagaha ku baxa xajka ay sannadkan la mid noqdeen dalalka dariska ah, taasoo ka dhigan in kharashka ay xujaydu ku baxinayeen sannadihii hore uu sannadkan aad u yaraanayo, taasna ay sabab u tahay dadaallada joogtada ah ee wasaaraddu wado.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xilli ay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta muddooyinkii u dambeeyay ku guda jirtay dadaallo ballaaran oo lagu hagaajinayo habraaca xajka, si xujayda Soomaaliyeed ay u helaan adeegyo hufan inta ay ku sugan yihiin dalka Sacuudi Carabiya.

Dadaalladan ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in ay kor ugu qaaddo sumcadda iyo badbaadada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gutaya waajibaadka diiniga ah ee Xajka.

Wasiirka ayaa la filayaa inuu kulammo la yeesho mas’uuliyiinta Sacuudiga iyo howlwadeennada shirkadaha xajka si loo xaqiijiyo in xujayda Soomaaliyeed si buuxda u helaan adeegyada ay u baahan yihiin inta ay ku sugan yihiin Maka iyo Madiina.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here