Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay waxgaradka gobolka Mudug

0

Gaalkacyo – Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada ee Gaalkacyo kulan kula qaatay waxgaradka, dhallinyarada iyo haweenka gobolka Mudug, maamulka gobolka iyo kan degmada Gaalkacyo, iyo qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka Mudug, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ka socda gobolka, gaar ahaan dhammaystirka waddada laamiga ah ee isku xirta gobollada Nugaal iyo Mudug, iyo bilaabista mashruuca biyo-saarka magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale kulanka kaga hadlay qorshayaasha dowladda ee lagu kobcinayo dhaqaalaha, shaqo-abuurka dhallinyarada iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Madaxweyne Deni ayaa ballanqaaday hirgelinta Sanduuqa Horumarinta Dowladda, oo uu sheegay in qorshihiisu meel wanaagsan marayo, iyo Bangiga Maalgashiga. Labadan hay’adood ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka qaataan maalgelinta mashaariicda horumarineed, dhiirrigelinta maalgashiga iyo ganacsiyada, abuurista fursado shaqo oo loo sameeyo dhallinyarada, iyo horumarinta adeegyada bulshada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin dadka reer Puntland.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli xaaladda amni ee magaalada Gaalkacyo ay maalmahan ahayd mid kacsan, kaddib dagaallo dhexmaray ciidamo taabacsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada Puntland. Xiisadda ayaa ka dhalatay khilaaf dhanka siyaasada oo horay u dhex taagneyd maamulka Puntland iyo dowlada, taasi oo keentay in ciidamo dowlada taabacsan ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka dhan ah maamulkaasi. Iyadoo Puntland ay sheegtay inay la wareegtay xarunta iyo taliska ciidankaasi, halka xaaladda magaalada laga dareemayay walaac laga qabo in xiisaddu sii fido.

Kulanka Madaxweynaha Puntland uu la yeeshay waxgaradka, dhallinyarada iyo haweenka gobolka Mudug ayaa sidaas darteed diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin xasilloonida, amniga iyo horumarinta gobolka.May be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here