MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay shir deg deg ah, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mudane Mahad Maxamed Salaad.
Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo hore u soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan, iyo Agaasimaha Hey’adda NISA.
Golaha ayaa uga mahadceliyey Agaasimihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali muddadii uu xilka hayey shaqadii uu Qaranka u soo qabtay.
Magacaabista Mahad Salaad ayaa ahayd mid mudooyinkii dambe aad loo hadal-hayay, iyadoo kusoo aadaysay xili ay kacsan tahay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, islamarkaana ay mucaaradka Muqdisho ka billaabaayeen shirar ka dhan ah dowladda.



![Lafta-Gareen oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/03/654262526_1519712886386424_7795626822133746026_n-150x150.jpg)
