Chad oo u dabaaldegaysa sannad-guuradii 66-aad ee xornimada

0

N’Djamena – Dalka Chad ayaa 11-ka Agoosto, u dabaaldegaya sannad-guuradii 66-aad ee ka soo wareegtay markii uu xornimada ka qaatay Faransiiska, iyadoo Madaxweyne Mahamat Idriss Déby Itno uu khudbaddiisa xuska maalinta madax-bannaanida ku soo bandhigay mudnaanta dowladda ee dhinacyada amniga, maamulka iyo horumarka dalka.

 

Madaxweyne Déby ayaa ku dhawaaqay cafis madaxweyne oo loo fidiyay qaar ka mid ah dadka horey loogu xukumay dambiyo, isagoo sidoo kale ballanqaaday in dowladda ay tallaabooyin adag ka qaadi doonto iska-horimaadyada u dhexeeya bulshada iyo faafitaanka hubka.

Dhanka amniga, Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay qorshayaal lagu casriyeynayo Ciidamada Difaaca iyo Amniga, si loo xoojiyo awooddooda iyo waxqabadkooda.

Madaxweyne Déby ayaa sidoo kale ballanqaaday tallaabooyin adag oo ka dhan ah musuqmaasuqa, khiyaanada iyo lunsiga hantida dowladda. Wuxuu sheegay in la sameyn doono kormeerro aan hore loo sii shaacin oo lagu sameeyo adeegyada dadweynaha, iyadoo tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo xadgudubyo.

Dowladda Chad ayaa sidoo kale qorsheynaysa inay dardar-geliso baahinta maamulka iyo in la kordhiyo kheyraadka loo wareejinayo maamullada maxalliga ah, iyadoo mudnaanta la siinayo adeegyada aasaasiga ah sida biyaha, korontada, waxbarashada, caafimaadka, waddooyinka iyo shaqo-abuurka.

Madaxweynaha ayaa shacabka ugu baaqay midnimo qaran, wadahadal siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiin, isagoo sidoo kale ganacsatada iyo qurba-joogta Chad ugu baaqay inay door muuqda ka qaataan horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.

Chad ayaa gumeysi Faransiis ahayd laga soo bilaabo 1900, waxayna xornimadeeda ka qaadatay Faransiiska 11-kii Agoosto 1960, iyadoo markaas noqotay jamhuuriyad madax-bannaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here