Muqdisho – Siyaasiga Cabdi Barre Jabriil oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey warbaahinta Shabelle kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee uu dalku ku sugan yahay, isagoo si cad u muujiyay walaac ballaaran oo ku saabsan jihada uu dalku ku socdo.
Cabdi Barre ayaa si adag u dhaleeceeyay hoggaanka dalka, isagoo ku eedeeyay in ay waddanka u wadaan jiho qardo jeex ah oo keeni karta burbur siyaasadeed iyo kala daadsanaan qaran.
“Dalka wuxuu maanta u baahan yahay badbaado qaran iyo hoggaan mas’uul ah,” ayuu yiri siyaasigu, isagoo intaas ku daray in hoggaamiyeyaasha hadda talada haya ay u arkaan in aan cidna la xisaabtami karin.
“Waxay moodayaan in aysan jirin cid ka hor imaan karta, balse mucaaradka ayaa caddeeyay in laga hortagi karo kuna hagaya dalka waddada saxda ah,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Hadalka Cabdi Barre Jabriil ayaa kusoo beegmaya xilli dalka uu wajahayo xiisad siyaasadeed oo sii xoogeysaneysa, iyadoo muran xooggan uu ka taagan yahay nooca doorasho ee dalka la galayo – arrin keentay kala fogaansho siyaasadeed iyo jahwareer xagga hannaanka dimuqraadiga ah.
Siyaasigan ayaa sidoo kale ku baaqay in loo baahan yahay isbeddel dhab ah oo lagu samatabixinayo dalka, isagoo xusay in doorka mucaaradka uu yahay mid muhim ah si loo saxo jihada qaldan ee la qaaday.
Hadalkan ayaa la filayaa inuu sii kiciyo doodaha siyaasadeed ee hadda socda, iyadoo weli kala aragti duwanaansho xooggan uu u dhexeeyo dowladda dhexe iyo mucaaradka ku aaddan arrimaha doorashooyinka iyo mustaqbalka hoggaanka dalka.




