GAROWE – Puntland ayaa afar shardi ku xirtay shirka uu iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh, iyadoo shuruudaha ay kamid yihiin aqbaliyadda doorashaddii sanadkii hore ka dhacday Kismaayo, ee Axmed Madoobe mar 3aad loogu doortay xilka.
Puntland ayaa dalbatay in marka hore ay DFS ka laabato wax ka beddelkii ay ku samaysay dastuurka dalka, isla markaana la iskugu imaado Gogol wadatashi qaran oo lagu gorfeeyo arrimaha la isku khilaafsan yahay.
Daawo Wasiirka Cadaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab, oo ka jawaabey hadalkii uu shalay Muqdisho ka jeediyay Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Xasan Maclin.



