Madaxweynaha Puntland oo Kulamo La Qaatay Wakiillada Beesha Caalamka

0

Garoowe – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan muhiim ah la qaatay wakiillada beesha caalamka oo uu hoggaaminayo ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

 

Kulanka oo ahaa mid hab-fogaan arag ah ayaa looga wada hadlay marxaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland ayaa soo jeediyay in la qabto shirweyne ballaaran oo loo dhan yahay, kaasoo ay ka qaybqaataan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, madaxii hore, iyo shakhsiyaadka muhiimka u ah xal u helida xaaladda dalka.

Tani ayaa ku timid kadib markii Golaha Wadatashiga Qaran (NCC) uu hawlgab noqday.

Dowladda Puntland ayaa uga mahadcelisay beesha caalamka kaalinta ay ka qaateen dowlad-dhiska Soomaaliya, taasoo ah taageero weli loo baahan yahay si loo gaaro horumar iyo xasilooni.

Wakiillada beesha caalamka ayaa iyaguna Madaxweynaha Puntland iyo shacabka guud ahaanba ku bogaadiyey hawlgallada guulaha badan ee ay Puntland ka sameysay la-dagaallanka kooxaha argagixisada, kuwaas oo horseeday in deegaano badan laga ciribtiray halista argagixisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here