Khilaafka Siyaasadeed oo fashiliyay Shirka Madaxweyne Xasan Sheekh ku baaqey

0

Muqdisho, 15 Juun 2025 – Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir muhiim ah oo uu madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku casuumay qeybaha kala duwan ee siyaasadda dalka.

 

Shirkan oo markii hore la iclaamiyay 1-da bishan Juun ayaa looga gol lahaa in lagu gorfeeyo arrimaha qilaafka taagan ee saameynaya mustaqbalka dalka, gaar ahaan doorashooyinka soo socda.

Si kastaba ha ahaatee, maalmaha u dambeeyay ayaa soo ifbaxay calaamado muujinaya in shirka uusan qabsoomi karin, kadib markii madaxda mucaaradka, oo ay ku jiraan madaxweynayaashii hore, ay Villa Soomaaliya u gudbiyeen fariimo ay ku sharraxayaan sida shirka u dhici karo, waxa laga doodi doono, iyo baahida loo qabo in Madaxweynaha uu ku soo laabto xeerkii iyo dastuurkii ku meelgaarka ahaa ee lagu doortay 2022-kii.

Dalabyadaasi oo ka yimid mucaaradka lama aqbalin dhanka Villa Soomaaliya iyo garoonka siyaasadeed ee Muqdisho. Halkii taas laga aqbali lahaa, waxaa soo baxay waraaqo kale oo ka yimid dowladda federaalka, gaar ahaan dhinaca beesha caalamka, iyagoo ku baaqay in xubnaha Madasha 6-da Dowladood iyo ururo mideysan (C6+) ay kala fogaadaan oo aysan hadda ka sii shaqeynin arrimaha gudaha Soomaaliya.

Baaqashadii shirka oo uu madaxweyne Xasan Sheekh horay ugu baaqay laba jeer ayaa muran badan dhaliyay, iyadoo su’aal laga keenayo waxa uu dhaxal siin karo dalka, marka la eego xaalada qilaafka siyaasadeed ee sii xoojisan.

Dowladda Federaalka ayaa diiwaangelisay in ka badan 40 urur siyaasadeed, balse ururadan intooda badan ma aha kuwo ay hoggaamiyaan siyaasiyiin caan ah ama saameyn muuqata ku leh bulshada, sidoo kalena waxay ahaayeen kuwa loogu talagalay in maanta la shirka ay la fariistaan Madaxweynaha.

Si kastaba, todobaadkii hore ayaa qaar ka mid ah ururadan waxay ku dhawaaqeen inay ka qeyb gelin doonin kulanka, iyagoo ku dooday in la helo aqbalaada madaxda hore ee dalka si loo xaqiijiyo wadar ogolaansho. Waxa kale oo ay diideen qorshe ka yimid Villa Soomaaliya oo ahaa in 40-ka urur ee la diiwaan geliyay ay iska soo xulaan 5 urur oo kaliya matalaya shirka, taasoo ka dhigan in Madaxweyne Xasan uusan awoodin inuu la qabsado tirada badan ee ka qeybgalayaasha.

Dhanka kale, weli ma muuqato inay ka qaybgalayaan maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo si weyn uga maqan hanaanka siyaasadeed ee hadda jira. Waxaa sidoo kale taagan su’aalo ku saabsan muddada xil heynta ee Dowladda Federaalka ee ku saleysan dastuurka iyo sida ay u wajahdo doorashooyinka soo socda.

Xaaladda ayaa u muuqata mid adag, iyadoo shirka maanta la filayey uu weli yahay mid muran badan leh, taasoo ka tarjumaysa xaalada cakiran ee siyaasadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here