Muqdisho, 15 Juun 2025 – Magaalada Muqdisho ayaa maalinta berri ah, oo ku beegan 16-ka Juun, martigelin doonta gogoshii wadatashiga ee uu dhawaan ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirkan ayaa lagu wadaa in uu noqdo madal heer qaran ah oo ay ka qeyb galaan wufuud kala duwan oo ka kala imaanaya gudaha dalka iyo dibadda, kuwaasoo metelaya qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
Diyaargarowgii ugu dambeeyay ee shirka ayaa haatan maraya heer gebogebo ah, waxaana socda howlo adag oo ay wadaan guddi gaar ah oo dowladda u xil saartay qabsoomidda gogosha.
Gogoshaan wadatashiga ayaa lagu wadaa in lagu falanqeeyo arrimaha udub-dhexaadka u ah masiirka dalka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saari doono: midnimada qaranka, sugidda amniga, dib-u-eegista dastuurka, iyo arrimaha doorashooyinka.
Sida lagu sheegay war rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada, gogosha waxa ay fursad siin doontaa madaxda dowladda iyo qeybaha kale ee bulshada — gaar ahaan indheergaradka Soomaaliyeed — in ay si furan uga wadahadlaan mustaqbalka siyaasadeed iyo midka dowladnimo ee Soomaaliya.
Wadatashigan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah dib u heshiisiinta, dhismaha dowladnimo hufan iyo xoojinta is-aaminada ka dhexeysa hay’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, xilli uu dalku wajahayo caqabado dhowr ah oo dhanka amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha ah.
Shirkan oo ah mid qaran ah, ayaa la filayaa in uu socdo muddo maalmood ah, waxaana natiijooyinka laga rajeynayaa in ay saameyn weyn ku yeeshaan jihada uu u dhaqaaqayo dalka Soomaaliya.




