Uganda oo askar looga dilay dagaal ka dhacay G/Shabeellaha Hoose

0

KAMPALA, Uganda – Ugu yaraan toddobo askari oo ka tirsanaa Ciidanka Difaaca Dadka Uganda (UPDF) ayaa lagu dilay howlgal saddex maalmood socday oo lagu qaaday magaalada Sabiid-Anole ee gobolka Shabeellaha Hoose ee Soomaaliya, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Difaaca Uganda.

 

Brigadier General Felix Kulayigye, afhayeenka difaaca iyo UPDF, ayaa warbaahinta u sheegay Axaddii in askarta la dilay ay “geeriyoodaan si geesinimo leh oo halgan ku dhisan, iyaga oo gudanaya waajibaadkooda qaran.”

Askartan ayaa qeyb ka ahaa hawlgal iskaashi oo ay wada fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo ciidamada Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).

Howlgalkan oo loo bixiyay “Operation Silent Storm” ayaa lagu dilay 30 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab, waxaana sidoo kale lagu soo qabtay hub kala duwan, iyadoo la burburiyay miinooyin badan oo si farsameysan loo diyaariyay (IEDs).

Askarta dhimatay ayaa lagu dilay dagaal toos ah oo fool ka fool ah, xilli ay ciidamada isbahaysiga ah gudaha u galeen godad hoosaadyo iyo xarumo qarsoon oo ay Al-Shabaab ku dhuumaalaysanayeen.

War kasoo baxay Wasaaradda Difaaca iyo Arrimaha Dhibbaneyaasha Uganda ayaa lagu xusay in Taliyaha Ciidamada AUSSOM, General Sam Kavuma, uu ammaanay dadaalka iyo geesinimada ay muujiyeen ciidamada UPDF iyo kuwa Soomaaliya. Wuxuu yiri:
“Waxaan bogaadinayaa geesinimada ciidamada AUSSOM-UPDF iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Hawlgalkani waa qayb ka mid ah dadaalka joogtada ah ee lagu wiiqayo Al-Shabaab lana hirgelinayo Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya, si ugu dambeyn amniga loogu wareejiyo ciidamada qaranka Soomaaliyeed.”

Taliyaha Qaybta Koowaad ee AUSSOM, Brig Gen Joseph Musoke Ssemwanga, ayaa sheegay in magaalada Sabiid-Anole ay ahayd xarun istiraatiiji ah oo ay Al-Shabaab u adeegsanayeen qorsheynta weerarro, kaydinta hubka iyo baabuurta laga soo buuxiyo walxaha qarxa (VBIEDs), iyo dhisidda isbaarooyin sharci-darro ah oo lagu dhibo shacabka.

Ilo milatari ayaa xaqiijiyay in markii magaalada la qabsaday, ay ciidamada AUSSOM iyo CXDS bilaabeen sugidda amniga iyo hawlgallo daba-gal ah oo lagu baacsanayo kooxaha haray ee Al-Shabaab ee ku sugan degmada Afgooye.

Meydadka toddobada askari ee dhintay ayaa la filayaa in loo soo raro Uganda, halkaas oo lagu aasi doono si sharaf militari leh.

Uganda ayaa door hoggaan ka qaadatay dadaalka lagu xasillinayo Soomaaliya tan iyo 2007, iyadoo qeyb ka ah dadaallada Midowga Afrika. Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida ayaa weli sii wada weerarro, inkastoo ay jiraan hawlgallo culus oo lagu wiiqayo awoodooda.

Sanadkii 2022, howlgalka AMISOM ayaa si rasmi ah ugu wareegay AUSSOM, si loo dardargeliyo kala-guurka amniga Soomaaliya loogana dhimo joogitaanka ciidamada ajnabiga ah.

Isha: ChimpReports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here