Ciidanka dowladda oo Hogaamiye katirsana Al-Shabaab ku dilay Howgal – DFS

0

MOGADISHU — Ciidamada gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxayna ku dileen hogaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo sideed ka mid ah ilaaladiisa, sida ay dowladda federaalka xaqiijisay.

Hogaamiyahan oo magaciisa lagu soo koobay Jaabir ayaa lagu dilay goob ay ku dhuumaalaysanayeen isaga iyo kooxdii ilaaladiisa, taas oo gaaraysay ilaa sideed qof.

“Ciidanka gaarka ah ee Danab ayaa howlgal aad loo qorsheeyay ka sameeyay deegaanka Bariire, gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo lagu magacaabi jiray Jaabir iyo sideed dhaqangaraqabe oo ka tirsanaa kooxdaasi,” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay dowladda.

Jaabir ayaa la tilmaamay inuu ahaa madaxii miinooyinka ee kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuuna door muhiim ah ka ciyaari jiray abaabulka qaraxyada iyo weerarada ka dhaca gobolkaas.

Howlgalkan ayaa sidoo kale lagu burburiyay xarumo iyo godad ay kooxdaasi ku qarin jireen hubka iyo agabka qaraxyada, kuwaas oo looga soo abaabulayay weerarro kala duwan.

Dilka Jaabir iyo kooxdiisii ayaa noqonaya guul muhiim ah oo ay ciidamada dowladda ka gaareen la-dagaallanka argagixisada, iyadoo weli howlgalada noocan oo kale ah laga wado gobollada ay Al-Shabaab ka xoogan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here