Xamsa: “Qaran-dhisku Waa Xoojinta Hey’adaha iyo Aragti Fog oo ku Saleysan Cilmi Baaris”

0

MUQDISHO – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay Shir-Cilmiyeedka 3-aad ee Madasha Horumarinta Bariga Afrika, isaga oo khudbaddiisa ku muujiyay muhiimadda ay leedahay dhisidda qaran ku saleysan cilmi, qorshe fog, iyo wacyi bulsho oo xooggan.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu tilmaamay in qaran-dhisku yahay hannaan ku saleysan xoojinta hay’adaha dowliga ah, kor u qaadista garaadka bulshada, iyo in la helo qorshayaal cad cad oo muujinaya jihada horumarineed ee dalka.

“Dalka waxa loo jiheeyay dhanka horumarka iyadoo la adeegsanayo cilmi baarisyo qoto dheer oo lagu saleeyay Qorshaha Isbeddelka Qaranka, Qorshaha Hiigsiga 2060 iyo NTP-2025–2029,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Mudane Xamsa Cabdi Barre waxa uu hoosta ka xariiqay in aqoonyahanka Soomaaliyeed laga sugayo door weyn oo ah sameynta cilmi-baarisyo la xiriira la-dagaallanka saboolnimada, isbeddelka cimilada, horumarinta adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka, iyo sidoo kale xoojinta nabadda iyo xasilloonida dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dowladda Soomaaliyeed ay ku tallaabsatay aragti horumarineed oo qaran, taas oo ku saleysan cilmi-baarisyo ballaaran iyo xog uruurin dhab ah, loona baahan yahay in aqoonyahanka iyo haldoorka dalka ay kaalin muuqata ka qaataan.

“Dowladdu waxa ay la timid qorshe cad oo ku saleysan xog sugan. Haddaba, aqoonyahanka Soomaaliyeed waxa looga baahan yahay in ay ka qeyb noqdaan sahanka iyo aragtida halka uu dalka u socda,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dowladdu si qoto dheer u sahamisay istaraatiijiyad horumarineed, iyadoo la adeegsanayo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka iyo awoodda dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada oo ah boqolkiiba ugu badan bulshada.

Kulankan Madasha Horumarinta Bariga Afrika ayaa lagu falanqeeyay fursadaha horumarineed ee gobolka, doorka cilmi-baarista, iyo sida dowladuhu ay uga faa’iideysan karaan aqoonta iyo khibradda gudaha si ay u gaaraan yoolalka horumarka waara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here