Garoowe, Soomaaliya – Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa shirkiisii toddobaadlaha ahaa ee qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 4-ta Juun 2026 si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.
Shirka oo uu shir-guddoominayay Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa lagu falanqeeyay waxa Puntland ku tilmaantay xaalad sharci iyo siyaasadeed oo cakiran oo ka jirta Dowladda Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa lagu cambaareeyay weerarro hubeysan oo lagu qaaday guryaha Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, iyo Ra’iisul Wasaarihii hore, Xasan Cali Khayre. Puntland ayaa sheegtay in masuuliyadda weerarradaas iyo wixii khasaare ah ee ka dhasha ay dusha ka saaran tahay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale, Puntland ayaa ka digtay waxa ay ku tilmaantay sii socoshada weerarro, caburin, xarig iyo barakicin lagu hayo shacabka ku nool Muqdisho, iyadoo tacsi u dirtay dhammaan dadkii ku waxyeelloobay rabshadaha iyo dagaallada ka dhacay caasimadda.
Dhanka kale, Puntland waxay ku baaqday in si deg-deg ah loo gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan doorashooyinka hay’adaha Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka, kuwaas oo ay sheegtay in muddooyinkoodii sharciyeed ay dhammaadeen.
Ugu dambeyn, Puntland ayaa sheegtay in qabashada doorasho loo dhan yahay ay tahay waddada ugu habboon ee looga hortagi karo sii socoshada qalalaasaha siyaasadeed iyo khalkhalka amni ee dalka, iyadoo ku baaqday wada-hadal iyo is-afgarad siyaasadeed.




