MUQDISHO, Luulyo 15 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u xoojisay amniga magaalada Muqdisho, kaddib weerarro hoobiyayaal ah oo muddo bilooyin iyo sannado ah lagu garaacayay qeybo kamid ah caasimadda.
Ciidamo si gaar ah u tababaran oo katirsan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa la geeyay galbeedka Muqdisho, si ay uga hortagaan hoobiyeyaasha laga soo tuuro degmooyinka dhaca dhinaca galbeed ee magaalada.
Weerarradaasi hoobiyeyaasha ah oo dhowr jeer lala beegsaday xaafado ku dhow garoonka diyaaradaha ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh oo gaaray dadka rayidka ah.
Ciidamadan oo heegan buuxa ku jira ayaa fiidkii fariisimo ka sameeya galbeedka magaalada, iyagoo badi ka baxa saldhigyadooda aroortii hore. Tan iyo markii la hawlgeliyay ciidamadan, waxaa si weyn hoos ugu dhacay ama gabi ahaanba joogsaday weerarradii hoobiyeyaasha ahaa ee caasimadda kusoo noqnoqon jiray.
Ilaa iyo hadda, shacabka Muqdisho ayaa si taxaddar leh u soo dhaweeyay tallaabadan, iyagoo sheegay inay si cad u dareemayaan nasasho iyo xasillooni habeenkii, kadib sanado ay hurdadooda ku dhibtoodayeen dhawaqa hoobiyeyaasha.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshaha cusub ee Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad, oo markale xilkaasi loo magacaabay, waxaana uu qaaday dadaallo xooggan oo lagu ciribtirayo khataraha ka imaanayay dhanka galbeedka magaalada.
Shacabka reer Muqdisho ayaa u arka tallaabadan mid ku timid xilli loo baahnaa, maadaama ay muddo dheer dhibbane u ahaayeen weerarro aan loo meel dayin oo lagu beegsanayay xaafadohooda.




