Qarax Miino oo Ka Dhacay Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya

0

GARISSA, Kenya, Luulyo 15 – Ugu yaraan laba qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax miino lala eegtay gaari ay la socdeen, sida ay xaqiijiyeen ilo amni iyo masuuliyiin deegaanka ah.

 

Qaraxa oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Ijaara iyo Bodhai ee gobolka Garissa ayaa lagu beegsaday ciidamo Kenyan ah, iyadoo kooxda Al-Shabaab ay sheegatay masuuliyadda weerarka.

Labada qof ee rayidka ah ee la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen qaraxa ayaa lagu kala magacaabay Maxamed Shabeel Bashiir iyo Cabdiqadir Maxamuud Salaad. Wararka ayaa sheegaya in labada marxuum ay ku sii jeedeen deegaanka Bodhai oo hoostaga magaalada Garissa.

Guddoomiyaha deegaanka Bodhai, Dubat Maxamed, ayaa sheegay in miinada la aasay ay si cad ugu muuqato mid lagu beegsaday kolonyooyin ciidan oo mararka qaar isticmaala wadadaasi.

“Waa dhacdo murugo leh. Waxaan aaminsanahay in weerarka uu si toos ah ugu wajahnaa ciidanka ammaanka ee si joogto ah u adeegsada wadadan,” ayuu yiri guddoomiyuhu. “Ciidamadeennu waxay baarayaan meelaha laga shakiyo, waxaana shacabka ka codsaneynaa inay nala shaqeeyaan oo ay la wadaagaan xog kasta oo ay hayaan.”

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo todobaadkii hore sidan oo kale qarax miino lagula beegsaday kolonyo ciidan oo ka tirsan ciidamada Kenya duleedka magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari, halkaas oo sidoo kale laga soo sheegay khasaare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here