Howlgal ka dhacay Jubada Hoose oo lagu beegsaday Al-Shabaab

0

Muqdisho, Luulyo 19, 2025 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ciidanka gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay fuliyeen howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Harboole ee gobolka Jubada Hoose, kaas oo lagu bartilmaameedsaday xubno sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

 

War-saxaafadeedka kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka si gaar ah loo beegsaday xubno muhiim ah oo Al-Shabaab ka tirsan, kuwaas oo muddo dheer ku jiray liiska dadka la baadi-goobayay, isla markaana ku lug lahaa falal argagixiso iyo afduubyo ka dhacay gudaha dalka iyo wadamo daris la ah Soomaaliya.

Intii uu howlgalka socday, ciidanka Danab ayaa gacanta ku dhigay hub iyo saanad ciidan oo ay Al-Shabaab u adeegsan jirtay dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraalka dowladda.

Dhinaca kale, ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo garab siinayay Danab ayaa iyaguna xaqiijiyay ka-qaybgalka howlgalka, iyagoo sheegay in iskaashi buuxa uu ka dhaxeeyay labada ciidan taasoo horseeday guusha la gaaray.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay go’aankeeda ah in aysan wax tanaasul ah ka geli doonin dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah ee carqaladeynaya nabadda iyo horumarka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here