Muqdisho – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta ku qaabilay xarunta dhexe ee hay’adda Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Howlgallada Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka Adduunka (IOM), Marwo Ugochi Daniels, oo booqasho shaqo ku timid Soomaaliya.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhaxeysa SoDMA iyo IOM, iyada oo labada dhinac ay hoosta ka xariiqeen in ay ka mideysan yihiin sidii si degdeg ah iyo si waxtar leh loogu falcelin lahaa xaaladaha adag ee bini’aadannimo ee ka taagan guud ahaan dalka.
Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga hadlay caqabadaha hortaagan howlaha gurmadka bini’aadannimo, fursadaha cusub ee iskaashi, iyo sida wax looga qaban karo arrimaha la xiriira abaaraha, colaadaha, barakaca iyo saameynta isbeddelka cimilada.
Labada mas’uul waxay isku raaceen in la dardargeliyo hawlgallada wadajirka ah, lana xoojiyo iskaashi salka ku haya hal-abuur, waarta iyo wax-ku-ool ah oo lagu gaarsiiyo gargaar degdeg ah dadka nugul ee ay si toos ah u saameeyeen musiibooyinka kala duwan ee dalka.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku aaddan joogtaynta wada-shaqeynta labada hay’adood, si loo gaarsiiyo taageero bini’aadannimo dadka Soomaaliyeed ee u baahan gacan qabasho degdeg ah.




