Hargeysa – Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay Bloomberg, Somaliland ayaa u bandhigtay Mareykanka fursad uu saldhig ciidan badeed uga dhisto xeebteeda u dhow marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Bab al-Mandab, oo u dhexeeya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Sidoo kale, Somaliland ayaa soo jeedisay heshiis muhiim ah oo la xiriira macdanta dhifka ah ee lagama maarmaanka u ah warshadaha tiknoolajiyadda sare, iyagoo doonaya in ay la galaan Mareykanka. Labada arrimoodba waxaa Somaliland u aragtaa kuwo lagu heli karo aqoonsi rasmi ah.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa dadaallo xooggan ugu jira sidii uu u heli lahaa xiriir dhow oo lala yeesho dowladda Mareykanka, gaar ahaan maamulka Trump oo hadda u arka Somaliland inay weli ka mid tahay Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa imanaysa iyadoo xiisadaha gobolka Geeska Afrika ay kor u sii kacayaan, waxaana tartan xooggan ka jira saameynta diblomaasiyadeed iyo milatari ee marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab al-Mandab, halkaas oo maraakiibta caalamka ay si joogto ah u maraan.
Inkasta oo Somaliland ay 1991-kii ku dhawaaqday madax-bannaani, haddana illaa iyo hadda lama aqoonsan si rasmi ah, iyadoo caalamku u arko qayb ka mid ah Soomaaliya.
Si kastaba, xiriirka sii kordhaya ee ay la leedahay waddamo kala duwan, oo ay ku jiraan Imaaraadka Carabta iyo hadda Mareykanka, ayaa muujinaya isbeddel cusub oo dhanka diblomaasiyadda ah.




