Ciidamada Dowladda iyo AUSSOM oo howlgallo culus ka fuliyey gobolka Shabeellaha Hoose

0

MUQDISHO – Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya la-howlgalayaashooda AUSSOM ayaa maanta fuliyey howlgallo milatari oo xooggan oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo ka dhacay gudaha iyo duleedka deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa xaqiijiyey in dagaallo culus ay ka socdaan aaggaas, isla markaana ciidamada ay sii wadaan baacsiga xubnaha Al-Shabaab ee si dhuumaaleysi ah ku galay deegaannada qaar.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaallo goos-goos ah oo maanta dhacay lagu jabiyey Al-Shabaab, isla markaana lagu gaarsiiyey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada ayaa sidoo kale ku guuleystay in ay ka saaraan kooxdaas deegaanno ay si qarsoodi ah uga howlgalayeen.

Howlgallada ayaa weli ka socda qaybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana laga sugayaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan guulaha la gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here