Guddoomiyaha SoDMA: “Dalal badan ayaa dhaqaalihii naga jaray, taas oo si weyn u saameysay dalka”

0

MUQDISHO – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in dowlado badan oo caalami ah ay jarteen taageeradii dhaqaale ee ay siin jireen Soomaaliya, taas oo uu tilmaamay inay si weyn u saameysay dhaqaalaha guud ee dalka.

 

Isagoo waraysi gaar ah siiyay Radio Shabelle, ayuu guddoomiyuhu xusay in xarumihii ay hay’adaha caalamiga ah ku lahaayeen dalka ay albaabada u laabanayaan, isla markaana mashruucyo badan oo horay u socday ay hakad galeen.

“Xarumihii caafimaadka carruurta (MCH-yada) intooda badan waa la xiray sababo la xiriira dhaqaale la’aan,” ayuu yiri Maxamuud Macallin.

Wuxuu intaas ku daray in saameyntan dhaqaale ay bilaabatay tan iyo markii la doortay Donald Trump, oo uu sheegay in dowladdiisu jartay maalgelintii ay siin jirtay hay’adaha samafalka iyo kuwa horumarinta ee ka howlgalayey gudaha Soomaaliya.

Arrintan ayaa imaneysa iyadoo dad badan oo falanqeeya arrimaha dhaqaalaha ay sheegayaan in go’aanka lagu jaray dhaqaalihii Soomaaliya uu salka ku hayo arrimo siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here