Puntland oo ogolaatay inay sii dayso Markabka Hubka

0

BOSASO, Somalia – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga oo uu hoggaaminayo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktaş.

 

Safarka Waftiga Dowladda Turkiga ayaa daba socday xiriir muddo u dhexeeyey Dowladda Puntland iyo Turkiga oo la xariira Markabka MV Sea World iyo shixnadda saaran, iyadoo Dowladda Turkiga ay la wadaagtay Dowladda Puntland cadeymaha in ay leeyihiin dhammaan hantida saaran.

Dowladda Puntland oo ka duulaysa cadeymaha ay soo gudbisay Dowladda Turkiga iyo baaritaankii lagu sameeyay Markabka iyo Shixnada uu sido , ayaa go’aansatay in masuuliyada Markabka MV Sea World iyo hantida saaranba lagu wareejiyo Dowladda Turkiga.

-DHAMMAAD-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here