Ciidamada AUSSOM iyo XDS oo Dilay in ka Badan 50 Dagaalyahan Al-Shabaab ah

0

MUQDISHO – Hawlgal wadajir ah oo ay fuliyeen ciidanka AUSSOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa lagu dilay in ka badan 50 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab kadib dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Bariire ee Koonfurta Soomaaliya, sida lagu sheegay war kasoo baxay AUSSOM Axaddii.

 

Qoraal kasoo baxay howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa lagu beeniyay warar warbaahinta qaarkeed sheegayaan in khasaare xooggan kasoo gaaray ciidamada Midowga Afrika dagaalka Bariire.

“AUSSOM waxay rabtaa in ay caddeyso in ciidankeeda oo kaashanaya kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ay bilaabeen howlgal ballaaran si dib loogu qabsado degmada Bariire 1-dii Agoosto,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in dagaalkaasi uu sababay khasaaro culus oo gaaray kooxda Al-Shabaab, iyadoo in ka badan 50 dagaalyahan la dilay halka tiro kalena ay dhaawacyo halis ah soo gaareen.

Bariire, oo qiyaastii 60 km u jirta magaalada Muqdisho dhanka Koonfur-galbeed, ayaa ah deegaan istiraatiiji ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose, kuna dhow wabiga Shabeelle, isla markaana caan ku ah wax-soo-saarka dhanka beeraha.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka dhacay Jimcihii uu ahaa mid ka mid ah kuwii ugu culusaa ee ka dhaca deegaanka maalmahan dambe.

“Ciidamada AUSSOM iyo XDS waxay ka go’an tahay in ay dib u qabsadaan Bariire iyo deegaannada kale ee weli gacanta ugu jira kooxda Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo amni buuxa oo ay helaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Danjire El Hadji Ibrahima Boly Diene, oo ah wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa AUSSOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here